[Deg Deg] Nin Soomaali ah oo weeraray safaaradda Faransiiska ee Dare Salaam [Tanzania]

Reading Time: < 1 minute

Nin hubeysnaa ayaa lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn halkaas ka dhacday.

Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.

Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya.

Ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Xamsa Xasan Maxamed oo 29 jir ah una dhashay Soomaali

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!