Ciidamada Militariga ayaa xiray Cabdiraxiim Maxamed Xuseen oo aad ugu dhawaa MW Cumar Al-Bashiir, Cusmaan Maxamed Daahaa oo ahaa ku xigeenkii hore ee Al-Bashiir , Axmed Maxamed Haaruun Guddoomiyaha Xisbiga Talada hayo iyo Cowd AL-Jaaz oo ah nin ku takhasusay Maamulka iyo Dhaqaalaha.
MW dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa ugu danbeyntii lagu qasbay inuu is casilo sida ay goor dhow qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Hoggaanada kala duwan ee Militariga, Booliska, Nabadsugidda iyo Wasiirka Gaashandhigga ayaa Bashiir u sheegay inuu is casilo isla markaasna uu fuliyo rabitaanka Shacabka, waxayna qaadatay saacado kooban inuu Al-Bashiir uga jawaabo isla markaasna uu xilka ka dago kadib 30 sano oo uu awood ku heystay dalka Suudaan.