(Deg Deg) MW Farmaajo oo lagu qanciyay in uu ka tanaasulo musharaximadiisa 2021

Reading Time: 3 minutes

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen MOL waxaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu qanciyay in uu isaga haro loolanka musharaxnimo ee Madaxtooyada JFS ee lagu wado in aay dhacdo horraanta sanadka 2021.

Madaxweyne Farmaajo aya olole weyn ugu jiray sidii loo meel marin lahaa sharci doorashooyin oo lagu saleeyay in ay codeeyaan dad lagu sheegay tiro ahaan 3 milyan kuwasoo qaab qof iyo cod ah ku dooran doona musharaxa Madaxweyne ee doorashada 2021.

Mashruucan oo ay iska kaashanayeen Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) iyo Marwada Madaxweyne Farmaajo Saynab Cabdi Macallin aya waxaa si weyn uga horyimid shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Baarlabaanka JFS iyagoo dhawaan soo saaray sharciga doorashooyinka oo hadda maraya akhriskii ugu danbeeyay kaasoo lagu qoray in sida waafaqsan Dastuurka JFS ay Madaxweynaha soo dooran doonaan labada gole, halka Xildhibaanada ay doorasho u tagayaan degaanadooda. Sharciga aya waxaa ku qoran qodobkan

“Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo raacaya sida ku xusan Qodobka 89aad ee Dastuurka, GMDQ ayaana maamulaya sida ku cad Qodobka 111G (2)(a) ee Dastuurka ayadoo loo fulinayo si waafaqsan Xeer Hoosaadka kulamada wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.”

Waxaa dhawaan safar ku tagay magaalada Dooxa ee dalka Qatar RW Xasan Cali Kheyre oo uu safarkiisa ku wehliyay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, kulan dhex maray Qatar iyo RW Kheyre aya kusoo dhamaaday guul darro kaddib markii ay dowladda Qatar isku dayday in ay ku qanciso RW Kheyre in uu ka tanaasulo hamigiisa musharaxnimo fursadna uu siiyo MW Farmaajo, isla markaana lagula taliyay in uu iska casilo jagada Ra’isul Wasaare bedelkeedana loo balan qaaday in la siinayo lacag dhan $60 Milyan oo doollar.

RW Kheyre aya ka biyo diiday wuxuuna sheegay in $60 Miliyan kabadan ay uga maqan tahay golaha Baarlabaanka JFS taasoo uu ku bixiyay laaluush sidii uu maamuli lahaa agendayaasha golaha aqalka hoose.

Waxaa Axaddii hore uu shir albaabada u xiran yahay dhex maray RW Kheyre, Fahad Yasin iyo G/X Golaha BJFS Cabdiwali Muudeey iyadoo shirkaas uu Fahad Yasin u soo bandhigay Muudeey in la laalo sharciga doorashooyinka ee hadda yaalla Baarlabaanka isla markaana laga shaqeeyo sidii loo meel marin lahaa sharci cusub oo dhigaya in shacab lasoo xulay ay doortaan Madaxweynaha 2021.

Muudeey ayaa arrinkaa ku tilmaamay mid aan suuragal noqoneynin wuxuuna u sheegay Fahad Yasin in doorashada Madaxweynaha iyo Baarlabaankaba ay u dhici doonto sida sharciga ku qoran iyadoo aan la jebin qodobo dastuuri ah.

Muudeey iyo RW Kheyre oo hoosta iskala socday aya waxaa shirkaas uu ku soo dhamaaday fashil. Madaxweyne Farmaajo aya Fahad Yasin waxa uu ula noqday wixii ay kala soo kulmeen Muudeey waxaana Madaxweynaha uu markale codsaday in loo ballamiyo guddiga ku meel gaarka ah doorashooyinka.

Waxaa maalintii talaada ahayd sidoo kale kulan albaabada u xiran yahay uu dhex maray MW Farmaajo iyo Guddiga ku meel gaarka ah Doorashooyinka waxaana Farmaajo uu markale soo bandhigay in ay ka go’antahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Guddiga Doorashooyinka ay u sheegay Farmaajo iin ay isku dayeen intii karaankooda ah in la qabto doorasho qof iyo cod ah balse ay natiijo xumo kala soo kulmeen beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo si ba’an u diiday in doorasho qof iyo cod ah aanay hadda suurto gal ahayn in la qabtay.

Madaxweyne Farmaajo aya waxaa soo xirmay damaciisii uu rabay in uu markale si qiyaano ah uu xukunka ugu soo noqdo, waxaana kasoo xirmay dhammaan albaabadii siyaasadda iyo hankii uu kalahaa in markale dib loo soo doorto.

Haddaba maxaa dhacay habeenkii xalay ahaa?

Iyadoo safar dalka dibaddiisa ah ku maqneyd Marwada Madaxweynaha Saynab Cabdi Macallin aya waxa ay dalka dib ugu soo laabatay horraantii todobaadkan waxaana xalay shir albaabada u xiran yahay uu Madaxtooyada ku dhex maray Marwo Saynab, RW Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dood dheer kaddib waxaa si dheer loo lafaguray sida ay wax u socdaan iyo sida ay wax ku suurto gali karaan. Waxaa ugu danbeyntii lagu qanciyay Madaxweyne Farmaajo in uu fursad siiyo RW Kheyre isla markaana uu taageero musharaxnimadiisa si aanay fursad u helin mucaaradka Marwo Saynab ayaa tiri “Haddii aad labadiina isa soo wada sharaxdaan ogaada waxaa ka faa’iideysanaya mucaaradka waana meeshii aad labadiina ku jebi lahaydeen. Ogaada in haddii la idinka guuleysto aay nagu wada adkaan doonto sidii aan uaga bad gali lahayn gabood falyadii siyaasadeed ee aad geysateen”

Marwo Saynab Macallin oo markii horeba lahayd magacaabida RW Kheyre aya haddana ku guuleysatay in ay saygeeda ku qanciso in uu fursad siiyo Xasan Cali Kheyre oo ah siyaasi da’yar kana fursad fiican in markale dib loo soo doorto Madaxweyne Farmaajo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!