(Deg Deg) MW Farmaajo oo dib uga laabtay wada hadalka Somalia & Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diriye Fuursade aya bartiisa twirka soo dhigay in dowladda Somalia aanay xilligan diyaar u ahayn in ay ka qeyb gasho wadahadalada Somalia iyo Somaliland, aanay ka qeyb qaadan doonta mustaqbalka soo socda haddii lagu heshiiyo goobta laga qabanayo wada hadalka.

Qoraalka Agaasimaha oo u muuqda mid uu Farmaajo ku diidan yahay in Somalia iyo Somaliland ay kuwada hadlaan dalka Kenya xilli ay labada dal ka dhexeyso xiisad siyaasadeed oo gaartay meeshii ugu hooseysay tan iyo markii ay Somalia xoriyadda qaadatay sanadkii 1960. Dhanka kale Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu qorsheynayo in uu shirka u diro qaar ka mida qooyskiisa taas oo shacabka Soomaaliyeed aad uga soo horjeesteen.

Maamulka Somaliland ayaanan weli wax hadal ah ka soo saarin go’aanka dowladda Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland uu saacadaha soo socdo ku qabto shir jaraa’id magaalada Niarobi sida ay MOL u xaqiijiyeen howl wadeeno ka tirsan xafiiska madaxtooyada Somaliland.