(Deg Deg) MW Farmaajo oo amray in shacabka degmada Wardhiigley loo soo bixiyo si qasab ah

Reading Time: < 1 minute

 

Madaxweyne Faramaajo oo ku sii socdo degmada Warta Nabadda codsadayna in Shacabka degmada loo diyaariyo si uu ula hadlo. Haddaba shacab loo soo diyaariyay oo qasab lagu keenay degmada si aay ugu sacaba tumaan maxay ku soo kordhinaysaa shacab dhiigooda la banneystay isagoo kula kulmayo meel Villa Somalia u jirta in ka yar 1 KM.

Madaxweynaha waxay ahayd in uu tago Bakaaraha iyo degmada Howlwadaag meeshii aay ciidamada uu watay Mooryaanka Saadaq John oo loo geliyay dharka boliiska si uu u gumaado shacabka reer Muqdishu.

Taliyaha boliiska oo ah nin sharci yaqaan ah aqoonna u leh in shaqada boliiska aay tahay in aay helaan qalbiga shacabka si aay xiriir wanaagsan ula yeeshaan bulshada aay u adeegaan waxuu sheegay in uusan Saadaq John ka Amat qaadan. Waxaa muuqato in RW Khayre uu yahay ninka ku shaqaynayo Saadaq John, shacabka reer Muqdishana kula xisaabtami doonaan godobta uu galayo waqtigii aay doonto ha noqotee.

Waxaase la yaab leh waxa uu Madaxweyne Faramaajo ku fasiri doonaa tacadiyaadka Sadaq John iyo RW Hassan Ali Khaire ku hayaan shacabka Muqdisho, oo aan waxba uga duwanayn dhibka Shabaab aay ku hayaan mararka qaarna uga daran Shabab