(Deg Deg) Muuse Geelle oo xil ka qaadis ku sameeyey Xoghayaha guddiga FEIT

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayaha FEIT Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan .

Qoraalka Guddoomiyaha FEIT ayaa lagu sheegay in xoghayahu uu isku dayay in uu “carqaladeeyo Doorashada, soo saarita warqado aan sax ahayn, iska hor keenista Guddiga Dhexdiisa iyo hannaanka Geedi socodka”.

Xoghayaha FEIT Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan ayaa ka hor yimid go’aanka uu guddoomiyaha guddiga Muuse ku joojiyay 4 kursi oo kala ah HOP#086,#HOP#154, HOP#103 & HOP#204.

Gudoomiye Muuse Geelle ayaa shalay shaaciyay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan, waxaana laga reebay Fahad Yaasiin oo kurisgiisa Hirshabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koofur Galbeed.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda xil ka qaadista