Ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga oo la hadlay MOL aya noo xaqiijiyay in uu muran ka dhashay amar uu bixiyay RW Xasan Cali Kheyre oo ku aadan in la soo xiro Sheekh Cabdulqaadir Soomow.
Xeer ilaaliyaha Dowladda Federaalka Axmed Dahir aya ka biyo diiday in la soo xiro sheekha wuxuuna sheegay in xiritaanka Sheekh Soomow ay horseedi doonto kacdoon shacab oo keena burbur ku yimaada jiritaanka dowladda.
Agaasimaha NISA Fahad Yasin iyo Taliyaha Booliska Xajaar ayaa ku cadaadinaya xeer ilaaliyaha in uu qoro warqadda lagu soo xiri lahaa Sheekh Soomow. Eedeymaha loo haysto Sheekha aya ah in uu khalkhal geliyay amniga magaalada Muqdisho isla markaana uu iclaamiyay dibad baxyo sharci daro ah.
Ilo wareedyada aya intaa ku daraya in RW Kheyre uu ku andacoonayo in aanay Galmudug ka dhici karin doorasho haddii aanan gacan bir ah lagu qaban Ahlu Sunna Waljameeca.
Madaxweyne Farmaajo aya sidoo kale aaminsan in la soo xiro Sheekh Soomow balse cabsi weyn ka qaba in arrintan ay horseedo kacdoon shacab.
Wixii ku soo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa