Mukhtar Robow aya waxaa ka soo gaaray dhaawac qabashadii maanta, iyadoo ay halka ku dhinteen siddeed ka mid ah ciidanka Itoobiya iyo lix askari oo ka tirsan Booliska Muqdisho laga keenay, waxaa sidoo kale ku dhintay rabshadihii iyo bannaan baxyada ka socda Baydhabo Shacab kor u dhaafay tobben (10) sida uu sheegay wariyaha MOL ee Baydhaba jooga.
Ilo wareedyo ka tirsan ciidanka amniga oo hadda gacanta ku haya Mukhtar Robow ayaa nos xaqiijiyay in uu ku yaal dhaawacyo madaxa iyo gacmaha ah, waxaana loo keenay sida ay noo sheegeen dhaqaatiir ay ka mid yihiin Dr. Dufle iyo laba kale oo daweynaya, balse uu diidan yahay Mukhtar Robow in la daweeyo.
Mukhtar aya shaki ka qaba in la sumeeyo oo la dilo sida ay sheegeen ciidamada haya. Xaaladda magaalada Baydhaba iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya aya cirka isku shareertay waxaana uu dalka sii galayaa xaalad u eg dagaal sokeeya.
MW Farmaajo aya laga dareemaya in uu rabo in uu dalka ku qabsado ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in uu dalbaday in ciidan Eriteriyaan ah la keeno magaalada Muqdisho.