(Deg Deg) Mooshin kalsooni kala noqosha ah oo laga gudbiyay MW Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Guddoonka Baarlabaanka JFS ayaa qabtay mooshin kalsooni kala noqosha ah oo laga gudbiyay MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida aan xogta ku helnay waxa mooshinka saxiixay xildhaano gaaraya 93 xildhibaan, waxaana lagu wada in toddobaadkan gudahiisa la bilaabo ka doodidda mooshinka.

MOL oo heshay nuqul ka mid ah mooshinka balse nagala codsaday in aanan daabicin aya waxaa ku qoran eedeymo culculus oo lagu soo oogay MW Farmaajo, waxaana ka mid ah.

  1. Qiyaano Qaran
  2. Dhiibistii Cabdikarin Muse Qalbi Dhagax

Goor dhow ayaan idiin soo gudbineynaa faahfaahin buuxda iyo nuqulka mooshinka