Muqdisho Online waxaa hada soogaartay shir u socdo xildhibaano 200 gaarayo kuwaaso lafilaayo dhawaan in ay xilka qaadan Madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Mursal.
Ila xog ogaal ayaa Muqdisho Online u xaqiijiyay in mooshinkaas loo codeen doono isla maanta kadib markii uu so laabto Raisal Wasaare Khayre & gudoomiye kuxigeenka 2 aad ee Barlamaanka JFS mudane Mahad Cawad.
RW Khayre ayaa la rumeeysan yahay in uu golaha shacabka uu ku leeyahay taageero xoogen waana arrinta keentay in si afduub ah xilka looga tuuro iyadoo la hareermaraayo sharuucda u dagsan dalka.