[Deg Deg] Maxkamadda Sare oo diiday dacwadii uu geystay Fahad Yasin

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL ay u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan Maxkmadda Sare ee DF aya dhawaan diiday kiiskii uu geystay Fahad Yasin uu kaga dacwoonayay kursiga HOP 86 oo loogu doortay magaalada Beledweyne Bishii Febraayo 22.

Waxay maxkamadu sheegtay inaysan iyadu awood u lahayn inay go’aamiso cabashooyinka doorashooyinka dadban ee la qabtay.

Go’aankan aya dhabar jab weyn ku noqonaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullah Farmaajo iyo La taliyihiisa Amniga Fahad Yasin.

Go’aanka waxa saxiixay saddexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.