Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqday inuu geeriyooday, Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, oo ahaa madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ah xaakimka magaalada Abu-Dhabi.
“Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay uga tacsiyaynaysaa shacabka Imaaraadka Carabta, Carabta iyo Islaamka iyo caalamka geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda