(Deg Deg) Madaxweyne K/X Jubbaland iyo Wasiirka Amniga oo wata ciidan tiro badan ayaa gaaray magaalada Beled Xaawo

Reading Time: 2 minutes

Madaxwayne kuxigeenka DG ka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar kamid ah wasiirada Dawlad Gobolleedka Jubbaland oo uu kujiro Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan , ayaa goor dhow boqday taliska ciidamadda Daraawiishata Jubbaland ee Degmada Balad xaawo.

Waxaa habeenkii xalay ahaa la geliyay heegan buuxa dhammaan ciidamada amniga Jubbaland kaddib markii ay Dowladda Federaalka kusoo daabushay ciidan ay qorsheyneyso in ay xoog kaga qabsato maamulka Jubbaland magaalada Kismaayo iyadoo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah.

Waxaa la dareemayaa magaalooyinka Beled Xaawo, Baardheere dhaqdhaqaaq ciidan iyadoo shacabka ku nool gobolka Gedo aay bilaabeen in ay u qaxaan magaalada Mandheera.

Dowladda Federaalka aya markii ugu horreeysay ka hadashay ciidamada la geeyay gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Xayir Wasiirka Warfaafinta ayaa ku macneeyay sababaha loo geeyay ciidamada gobolka Gedo ay tahay sidii ay ugaga qeyb qaadan lahaayeen difaaca dalka.

“Dastuurka ayaa qeexaya in dowlada federalka ay ciidamo geyn karto meel walba oo ka mid ah dalka waxayna ciidamadu gudanayaan waajibaad saaran.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso warkii ay dowladda ka soo saartay ciidanka lageeyay Gedo