(Deg Deg) Maareeyihii Golaha Murtida Abwaan Guure oo xilka laga qaaday (Dokumenti)

Reading Time: < 1 minute

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Kheyre ay noo xaqiijiyeen waxaa xilka laga qaaday Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Abwaan Cismaan Cabdillaahi Guure kaddib markii ay idaacaddiisa Radio Kulmiye ay sii deysay hadal sir u ahaa Madaxtooyada kaasoo aha in RW Kheyre uu aqbalay in uu xilka isaga tago.

Sida ay xogta sheegeyso waxaa isla maanta loo magacaabay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Maxamed Abukar.

Halka hoose ka dhageyso warka ay sii deysay idaacadda Kulmiye