(Deg Deg) Laftagareen oo shaaciyay in aanu qaban doonin Doorashada muranka ka jiro

Reading Time: < 1 minute

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in kaddib markii uu MW Laftagareen wadatashi la yeeshay cuqaasha, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo haweenka ka soo jeeda Koofur Galbeed, kulana taliyeen in uu ka fogaado wax walba oo keeni kara amni darro, isla markaana ka codsadeen in aanu qaban Doorasho lagu muransan yahay.

Lafta Gareen ayaa sheegay in uu qaatay talada aay u soo jeediyeen shacabka KG, isla maraana sheegay in aan Doorasho lagu qaban doonin KG ilaa laga helaayo Doorasho heshiis lagu yahay.

“Madaxweynaha wuxuu aqbalay codsigii bulshada KGS, wuxuuna ballan qaaday in aanu maamulkiisa qaban doonin doorashada ila laga gaaro heshiis wadar ogol ah” Ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka

Sida MOL aay horey idiinku soo gudbisay, Go’aanka Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa yimid kaddib markii uu maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo James Swan kaasoo u sheegay Lafta Gareen in aanu qaban karin doorasho, haddii uu qabtana aay Beesha Caalamka Aqoonsan Doonin natiijada ka soo baxda Doorashada. 

Halka Hoose ka akhriso

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
1 9 days
1 1 hours
2 6 minutes
2 5 seconds