Deg Deg: Kooxo Hubeysan oo Goordhaweyd Dil Ka Geystay Magaaladda Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanya magaalada muqdisho ayaa shegaya in kooxo hubeysan ay goordhaaweyd sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda soomaaliya ku dilen magaalada Muqdisho.

Goobjooge ka ag dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in laba ruux oo sita bastolado ay agagarka warshada nacnaca ay dilka u geysteen sarkaal katirsanaa ciidama Militariga soomaaliya.

Wararka ayaa ku waramaya in halka lagu tooktay sarkaalka ay gaareen ciidamo  katirsan dowladda soomaaliya oo isla markii goobta ka qaaday meydka sarkaalkaasi.

Waxa sii korhdaya dilalka qorsheysan ee ka dhaca gudaha caasimada muqdisho iyado aysan jirin cid masuuliyaadi qaadata oo wax ka qabata iyado taliyasha lamaha amanka dalka an weli la magacaabin taasi wax badan iftimineysa in cid dani ka leh xaladaha nuucan ayan jirin .