Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa MOL u sheegay in xalay iyo maanta uu khilaaf ba’an soo kala dhex galay Farmaajo iyo Maxamed Mursal, Khilaafka ayaa la sheegay in uu ka dhashay kaddib markii uu Maxamed Mursal ogaaday in uu Farmaajo qorsheynayo in uu isaga dusha ka saaro muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee uu Aqalka Hoose ansixiyay April 12. 2021.
Sida xogta aay sheegeyso, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa lagu wadaa in uu Baarlabaanka maalinta berri ah u sheego in uu dib ugu soo celiyay muddo kororsigigii sidaa darteedna aay iyaga go’aan ka gaaraan in dib loo soo celiyo heshiiskii 17 Septeber.
Farmaajo ayaa ujeedkiisa ugu weyn aay tahay in uu iska bari yeelo muddo kororsiga isla markaana uu madaxa isku geliyo Baarlabaanka aqalka hoose iyo RW xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Mursal ayaa ogaaday in Farmaajo uu diyaarsaday xildhibaano masuuliyadda dusha ka saari doono RW Rooble kuwaas oo ku eedeynaya in uu ka hor yimid go’aan Baarlabaan. Xildhibaanada taageersan muddo kororsiga ayaa kala jabay, waxayna qaar doonayaan in xilka aay ka qaadaan Rooble halka qaar kale oo uu abaabulay Guddoomiye Mursal aay rabaan in mooshin laga keeno Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Farmaajo.
Xaaladda berri ee Baarlabaanka ayaa la filayaa in aay hareereyso buuq iyo isqabqabsi, waxaana xildhibaanada Mucaaradka aay galabta bilaabeen in la xoojiyo mooshinka Farmaajo xilka looga tuurayo taasoo badankood aay u arkaan mid lagu badbaadinayo dowladnimada iyo xasiloonida dalka.
Arrintan oo ah mid ugub ah waxaan idiin soo gudbin doonaa wixii ku soo kordha