Reading Time: 2 minutes

Waxaa saacadba saacada ka danbeeysa isasoo tareysa tirada dadka qorsheynaya in ay ka soo qayb-galaan banaanbaxa berito loogu  balansan yahay  magaalada London kaas oo looga soo horjeedo Xaraashka Batroolka Soomaaliya.

Xukuumada uu hogaamiye Xassan Cali Kheyre ayaan marnaba filaynin in shacuurta dadka Soomaaliyeed ay gaari karto heerka ay caawa gaartay.

Isaga oo ka baqaayo in banaanbaxa berito keeno in shirkadaha la doonayo in laga iibiyo shidaalka Soomaaliya ay isaga baxaan balantii horay loola galaya, ayaa waxa uu bilaabay in uu caawa ku amro Eng Yarisow  oo ku sugan magalaada London in uu lacago u qaybiyo qaarka mida dadka lagu tuhmayo in ay hogaaminayaan Banaanbaxa.

Caawa ayaa waxa la arkaayay in qaar ka mida dadkii wax ka taageerayay  banaanbaxa horayna loogu yiqiinay iibinta qadiyadda Soomaaliya oo bilaabay in ay isku dayaan in ay dareen galiyaan kumanaanka kun ee wadiniyiinta ee berito ka qayb galayo Mudaharaadka.

Xassan Cali Kheyre ayaa la soo hadlay koox dad ah oo meel la isugu keenay isaga oo ka baryay in ay ka shaqeeyaan in berito la baajiyo mudaaharaadka. Waxa uu yiri “mudaharaadka berito Mustaqbalka dalka ayuu wax u nimayaa, shirko badan ayaa isaga cararayo Soomaaliya…. waan idiin dhaaranayaa berito waxba lama xaraashayo laakiin mustaqbalka ayaa xaraashku dhici doonaa”.

Mid ka mida dadkii uu la hadlay ayaa u sheegay MOL in uu RW Kheyr ay ka muqatay cabsi iyo nin wax ka qaldan yihiin. Waxa uu yiri “waxa uu ka hadlaya waa mustaqbalkiisa ee ma aha nin u jeeda kii Soomaaliya, berina waan tagaynaa banaanbaxa”.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi ayaa isagana waxa uu qadka taleefanka kula hadlay dad ay isku beel yihiin isaga oo ka codsaday beeshiisa in ayan tagin Mudaharaadka. Eng. Yarisow ayaa caawa isna lacag qaybis ka wado magaalada London. Laakiin meesha ay caawa wax marayaan  ayaa   dhaaftay marxalad lacag wax lagu joojin karay.

Cabdirahaman Faax ayaa sheegtay in “shacabka Soomaaliyeed berito muujijn doonaan dareenkooda wadiniyadeed.