Deg deg: Kheeyre oo la weeraray asigoo la hadlaya shacabka Marko!

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaare xassan cali Kheyre ayaa lala cararay markii isagoo khudbadeynayay bam lagu weeraray,Magaalada marka ee Gobolka sh-hoose

Ciidamada Amisom ayaa rasaas furay sida ay sheegayan wararka Marka naga soo gaaraya,waxaana goobtu ay noqotay meel lagu kala cararay.

Bam gacmeed ayaa maanta lagu tuuray barxadda xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada.

Bamka oo qofkii soo tuuray uu baxsaday islamarkaana aan la garaneyn ayaa la sheegay inuu ku qarxay meel waxyar u jirta halkii uu Kheyre ka waday hadal-jeedinta, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeyn MOL.

Qaraxa bamka ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaar ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, qaraxana uu ka yara fogaa, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii.

Dadkii meesha joogay ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda qaraxa ka dambeysay iyo sida ay ugu suurta-gashay inuu bam kula soo dhowaado halka uu Kheyre ka hadlayey. Weli ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Kheyre oo ku aada

Shacabkii halkaasi la iskugu keenay ayaa isbuurtay waxaana jira qasaaro ka dhashay.