[Deg Deg] Kenya oo aqbashay codsigii Dowladda Federaalka ee dib u soo celinta xiriirka labada dal

Reading Time: < 1 minute

Warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya aay aqbashay codsi uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana warqadda aay Kenya ku sheegtay in aay diyaar u tahay soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal.

Kenya ayaa sheegtay in aay dib u fureyso safaaradeeda Muqdisho, iyadoo u sheegtay Safiirka Soomaaliya ee Kenya in uu si degdeg dib ugu laabto howlihiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu danbeysay si xowli ah ugu jirtay sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal, taasoo aay bilaabatay markii aay dowladda Kenya xayiraad kusoo rogtay koontooyin bangiyo aay lacag u tiilay Fahad Yasin iyo reerkiisa.

Fahad Yasin ayaa cadaadis ku saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxwene Farmaajo in si degdeg ah loo soo celiyo xiriirka labada dal, isagoo markaa rajeynaya in loo fasaxo lacagaha laga xayiray.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!