Guddoomiyaha golaha shacabka oo wata ciidamo aad u badan ayaa goor dhow waxay gudaha u galeen xarunta golahaasi oo ay ku sugan yihiin xildhibaanno kale oo isaga kasoo horjeeda.
Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in Jawaari uu fariistay kursigiisii saxda ahaa, xildhibaannadii isaga taageerayeyna ay ku dhowaaqayaan erayo muujinaya iney isaga garabkiisa yihiin.
Muudey oo isna meesha jooga ayaa banaanka usoo baxay, wuxuuna la hadlayaa saraakiisha ciidamada si ciidanka Jawaari banaanka loo saaro.