[Deg Deg] Jadwalka Hadal Jeedinta Musharaxiinta oo la soo saaray

Reading Time: < 1 minute
Guddiga Doorashadda Madaxwaynaha ayaa soo saaray Jadwalka hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxwayne. Dhamaan Madaxwayneyaashii Hore iyo Madaxwayne Farmaajo ayaa maalinka labaad hadal jeedinta qaadan doonno.
Waxaa inta badan shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan hadal jeedinta Musharaxiinta oo markii ugu horreeysay gaaray tiro dhan 39 musharax taasoo aad uga badan Musharaxiintii sanadka 2012 iyo 2017.
Waxaa inta badan sharaxan Musharaxiin aan laga aqoon saaxadda siyaasadda wax saameyn ahna aan ku lahayn shacabka.
Waxaa sidoo kale sharaxan musharaxiin ay caqabad ku tahay hannaanka awood qeybsiga kuwaasoo laba ka mid ah aanan laga aqoon gudaha Soomaaliya.