(Deg Deg) Isku shaandheynta golaha wasiirada & magacaabista taliyeyaal cusub oo la isku raacay

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa MOL u xaqiijiyay in caawa lagu howlan yahay isku shaandheyn lagu sameyn doono ilaa siddeed (8) Wasaaradood Taliyaha Ciidnka Xooga Dalka, NISA Taliyaha Police-ka & Maamulka Gobalka Banaadir.

Madaxweyne Farmajo ayaa ugu danbeyntii ogolaadey in Ra’iisul Wasaare Kheyre siduu doono ka yeelo isku shaandheyta golaha wasiirada iyo magacaabidda Taliyeyaasha ciidanka amniga.

MOL looma xaqiijin wasiirada lagu wado in aay xilkooda waayi doonaan iyo kuwa cusub ee la magacaabi doono, balse waxaa loo xaqiijiyay in Xildhibaan Zakariya Cabdi lagu wado in loo magacaabo wasiirka dastuurka, oo toddobaadkii hore ka geeriyooday Cabdiraxman Xoosh Jibriil.

Wixii soo kordha naga filo goor dhow.

Xayeeysiin