Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
250 days
12 hours
05 minutes
35 seconds

Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Shaafici Xaaji Diiriye ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Dhuusamareeb, waxaana dilka ka dambeeyay Ilaalada Senator Dhagdheer oo ka tirsan Aqalka Sare ee JFS

Wiilka la dilay oo aad looga yiqiin magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa uu marayay meel u dhoq guri uu Senator Dhagdheer ka degan yahay magaalada Dhuusomareeb.

Sida goob joogayaal u sheegeen MOL, wiilka iyo gaarigiisaba waxaa si aad looga yaqaan magaalada, balse waxaa layaab iyo amakaag ku noqotay shacab degen Dhuusomareeb sida aan hubsiinada lahayn ee ilaalada Senotor Dhagdheer aay ugu dhiiradeen in aay xabadeeyaan oo dilaan Shaafici ayuu yiri goobjooge la hadlay Muqdisho Online