(DEG DEG) Hoobiye lagu garaacayo magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Tiro hoobiyaal ah ah ayaa lagu garaacayaa xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaashan ka dhashay khasaaro badan oo dhaawacyo ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay ilaa lix hoobiye ayaa ku dhacay xaafado katirsan gobolka Banadair, waxaana saddex kamid ah hoobiyaashaasi ku dhaceen guryo dad shacab ah degnaayeen.

Inta la xaqiijiyay hoobiyaasha waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 20-qof oo u badnaa dad isku qoys ah, waxaana dadka ku dhaawacmay ku jira hooyo iyo carruur ay dhashay.

Sida goobjoogayaal noo sheegeen qoyska uu guriggooda ku dhacay Hoobiyaha waxa u taallay tacsi, waxaana ku sugnaa guriggooda dad fara badan oo xaaladdaas tacsida ah awgeed u yimid waxaana halkaa ka dhacay dhimisho & dhaawac.

Hoobiyaha sida la xaqiijiyay waxaa laga soo tuuray xaafadda Daarusalaam.

Weerarkan hoobiyaasha loo adeegsaday ayaa imaanaya xilli amniga magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo iyadoo in ka badan afartan qofood lagu dilay magaalada Muqdisho 72 saac ee la soo dhaafay