Reading Time: < 1 minute

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda ayaa xabsiga u taxaabay Aasaasaha gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan sida ay Warbaahinta  u sheegeen eladiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa Dr-ka ka kaxeystay Maqaayadda Isbageeti ee ku dhaw isgoyska Banaadir ee Magaaladda Muqdisho wax yar uun ka hor xilligii Afurka.

Lama ogga sababta ka dambaysa xiritaanka Agaasimaha gaadiidka gurmad degdeg ah ee Aamin Ambalaas, hayeeshee eladiisa ayaa xaqiijiyay xiritaankiisa.

Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka oo ay la xariirtay Muqdisho Online  ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan xatiga Agaasimaha waxa ayna sheegeen in dib laga bixidoono faahfaahinta rasmiga ah.

Dr Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ayaa lagu xasuustaa doorkii samata bixinta ahaa ee uu ka qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed xilliyadii magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya dagaalada ka socdeen.