[Deg Deg] Guudlaawe oo diiday in kuraasta la xiro & Dabageed oo dagaal ku hanjabay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magaalada Beledweyne caawa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan iyadoo laga cabsi qabo in uu halkaa dagaal ku dhex maro ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Dabageed.

Sida MOL ay u sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada Baladweyne, is afgarawaaga ayaa dhashay kaddib markii uu MW Guudlaawe uu diiday in kuraas loo xiro xubno uu lacag laaluush ka qaatay Dabageed iyo xubo ay wadato Villa Somalia.

Dhammaan murashaxiinta raadineysa xildhibaanada ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa raba in Doorashada aay noqoto mid loo wada tartamo qofna aanan loo xirin kursi, waxaana arrintaan aad ugu taageeray MW Guudlaawe Murashaxiinta badankood.

Waxaa magaalada ka jira caawa cabsi laga qabo dagaal ka dhaca Beledweyne

Wixii faahaahin ah dib ayaan idinkala socodsiin doonaa idimka alle.