(Deg Deg) Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Guddiga Amniga oo la kala dirayo saacadaha soo socda (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

War deg-deg ah oo naga soo gaaray guddoonka BJFS aya lagu sheegay in Guddoomiyaha Baarlabaanka Mudane Maxamed Mursal uu qorsheynayo in uu dib u habeyn ku sameeyo guddiyo kale oo gaaraya ilaa seddex guddi, kuwaaso xubno muhiim ah oo ka tirsan guddiga joogtada ah ee Baarlabaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qorsheeyay in laga saaro.

Waxaa la go’aamiyay in dib u habeyn iyo isku shaandheyn lagu sameeyo guddiyada hoos ku qoran maalmaha soo socdo iyadoo guddiga ugu horreeya caawa la isku shaandheyn doono kuwaaso xubno muhiim ah laga saaray sida MOL loo xaqiijiyay. Guddiga caawa la kala dirayo ayaa ah Guddiga Arrimaha Dibadda. oo Guddoomiye u yahay Xil. Cabdulqaadir Cosoble.

Waxaa sidoo kale isku shaandheyn lagu sameyn doonaa guddiga Amniga iyo Guddiga Ganacsiga.

Waxaad mooda in la bartilmaansanayo guddiyada awoodda ku leh guddiga joogtada ah oo badankooda ay xubno iyo guddoomiyeyaal ka yahiin xildhibaano aan ku qanacsaneyn xukuummadda, si taas looga kaaftoomana laga saari doono guddiyada ay ka tirsan yihiin si loo wiiqo awoodda ay ku leeyihiin Baarlabaanka.

Wixii soo kordho dib ayaan idinkala socodsiin doonaa saacadaha soo socda

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!