[Deg Deg] Golaha Wasiirada oo sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax aay ahayd Qiyaano & Qalad

Reading Time: < 1 minute

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa codeeyay in dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax ay aheyd qalad weyn & qiyaano qaran iyagoo ka saaray liiska Argagixisada Ururka ONLF.

Wasiirada ayaa inta badan u codeeyay qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.

Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sanadkii 2017 u aqoonsaday ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax