(Deg Deg) Golaha Wasiirada JFS oo ka doodaya ka saaridda ONLF liiska argagixasada

Reading Time: < 1 minute

RW Xasan Cali Kheyre aya isugu yeeray shir aan caadi ahayn oo hadda ka socda xafiiska RW Kheyre. Shirkan aan caadiga ahayn ayaa looga doodayaa sidii Dowladda Somalia uga saari lahayd ururka ONLF oo ay ku dartay liiska argagixisada iyo in ay ku sumadeysay in ururka uu xiriir hoose la leeyahay kooxda Shabab.

Bishii June 30 sanadkii 2018 aya dowladda Itoobiya ka saartay ururka ONLF liiska argagixisada iyadoo dowladda Soomaaliya ay ururka gelisay liiska argagixisada markii ugu horreeysay taariikhda Soomaaliya urur Somali ah oo u dhaqdhaqaaqa xoreynta gobolada ay Itoobiya ka haysato Soomaaliya bishii September 6 sanadkii 2017.

Dowladda ayaa u dhiibtay muwaadin Soomaali ah dowladda Itoobiya isla markaana ku sifeysay in ururka uu ka tirsan yahay iyo muwaadinaasba ay yihiin argagixiso.

Cabdikarin Muuse Qalbidhagax ayaa xorriyaddiisa dib u helay kaddib markii kooxdii TPL ay lumiyeen hoggaanka Itoobiya bishii Maarso ee sanadkii 2018

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!