(Deg Deg) Gen. Xijaar oo xil ka qaadis ku sameeyay saraakiil iyo dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhasho..

Reading Time: < 1 minute

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo la hadlay MOL aya noo xaqiijiyay in ay ka dhalatay buuq iyo isqabqabsi kaddib markii uu Gen. Cabdi Xasan Maxamuud Xijiir si sharciga baal marsan uu xilka uga qaaday toddoba taliye hoggaan oo ka mid ciidanka Kumaandoska uu Mareykanka tababaray, isbedelkaas oo uu ku saleeyay qaab qabiil aya waxaa xilka uu ka qaaday saraakiisha uu ku wada bedelay saraakiil ay isku heyb yihiin isaga iyo MW Farmaajo.

Isbedelka aya waxaa uu ka dhex abuuray gudaha ciidanka Kumaandoska isqabqabsi iyadoo laga cabsi qabo in ay ciidanka sameeyaan gadood. Waxaa arrinta soo farageliyay taliska ciidanka Mareykanka waxayna u sheegeen MW Farmaajo in si degdeg ah loogu soo celiyay saraakiisha xilka laga qaaday, kuwaasoo bey sheegeen in ay yihiin saraakiil loo tababaray hoggaanka ciidanka, haddii aan xilkooda loo soo celina ay gebi ahaanba goyn doonaan lacagta iyo saadka ay siiyaan.

General Xijaar iyo Fahad Yasin ka hor inta aan loo magacaabin CXDS
General Xijaar iyo Fahad Yasin ka hor inta aan loo magacaabin CXDS

Sida ay saraakiisha ciidanka u sheegeen MOL, waxa arrintan si aad ah uga shaqeynayay T/X NISA Fahad Yasin oo ah maskaxdii ka danbeysay in la magacaabo Gen. Cabdi Xasan Xijaar. Saraakiisha aya intaa ku daray in Taliyaha CXDS Gen. Inshaqarshe uu ku maqan yahay safar shaqo isla markaana uusan ogeyn isbedelka uu sameeyay Gen Xijaar.