Deg Deg; Gen: Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen oo is casilay

Reading Time: < 1 minute

Warar naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen, isla markaana warqada is casilaada uu u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in sababta uu isku casilay taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ay tahay , kadib markii Madaxweyne Deni isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo xiisada dagaal ee kala dhaxeysa Soomaaliland.

Hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in taliyuhu uu amray in Soomaaliland jawaab deg deg ah laga siiyo daandaansi uu sheegay inay ku heyso dhulka deegaanada Puntland, balse ay arrintaasi kasoo horjeesatay Madaxtooyada Puntland.

Lama oga weli in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu aqbalay warqada is casilaada uu u gudbiyey taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen,waana sarkaalkii ugu darajada sareeyey ee iska casila xil uu ka hayay Puntland tan iyo markii loo doortay Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni