[DEG DEG] Gaari Qarax ku xiran yahay oo lagu qabtay Albaabka Villa Somalia

Reading Time: < 1 minute

War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in gaari uu watay wiil la dhashay marwada koowaad Seynab Macallin ayaa gaari uu watay laga looga shakiyay in qarax uu sido.

Gaarigaan oo markii uu gelayay iridka Villa Somalia, gaar ahaan kontoroolka koowaad waxaa ku qeyliyay oo ka shakiyay eeygii baarayay oo ka cararay, sidoo kale waxaa la sheegay eey labaad oo gaariga baarayay uu isna sidaas oo kale uga cararay, waxaana meesha ka dhashay cabsi iyo tuhun xoogan oo galay ilaalada madaxtooyada oo isugu jiray Soomaali iyo AMISON.

Gaariga aya waxaa waday nin magaciisa lagu sheegay Cumar Faaruuq Macallin oo la dhashay xaaska Madaxweyniha muddo xileedkiisa dhammaaday Saynab Macallin.

Waxaa hadda ku howlan kooxda miina baarayaasha si loo xaqiijiyo digniinta ay bixiyeen eeyaha sheega qaraxyada.

Guud ahaan waxaa la joojiyay dhaq dhaqaaqa Villada iyadoo aysan jirin cid geli karta iyo cid kasoo bixi karta.

Wararkeena danbe ayaa kala soconeysaan wixii soo kordha.