(Deg Deg) Farmaajo oo xilalka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenada gobolka, magacaabayna kuwa cusub

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is-beddel ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, isaga oo xilalka ka qaaday qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada maamulka, isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Axmed Xasan Iimaan

Madaxweynaha ayaa Cali Cabdi Wardheere u magacaabay ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.