[DEG DEG] Farmaajo oo NISA u magacaabay ninkii ka danbeeyay dilka Ikraan Tahliil

Reading Time: < 1 minute

Waxaa warqad lagu daabacay bogga Villa Somalia lagu sheegay in uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaada uu u magacaabay shaqsiyaadka looga shakisanaa dilka Ikraan Tahliil, Ku Simaha NISA oo loo magacaabay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yasin Fareey) iyo La taliyaha Amniga ee Madaxweynaha oo loo magacaabay Fahad Yasin Xaaji Daahir oo uu xilka ka qaaday RW Rooble.

Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa u qornaa sida hoose

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ
Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;
1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.
2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
DHAMMAAD
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!