[Deg Deg] Farmaajo oo lagu qasbay in uu dalka isaga baxo

Reading Time: < 1 minute

Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya aya maalmihii ugu danbeeyay waday dadaalo xal loogu helayo ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha muddadiisa dhammaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Isku day badan oo la sameeyay in lagu kala dhex galo labada masuul ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan kaddib markii uu Rooble ku adkeystay in dalka aay Doorasho ka dhacdo, si taas loo helana aanay suurto gal ahayn inta uu Farmaajo joogo Villa Somalia.

Ugu danbeyntii waxaa Mareykanka, Ingiriiska iyo Miowga aay ku cadaadiyeen Farmaao in uu dalka isaga tago muddo todobaad gudaheed ah. Sida MOL xogta ku heshay waxaa Farmaajo filan waa ku noqday guddigii uu magacaabay Rooble ee baaraya Afganbigii dhicisoobay taasoo natiijada ka soo baxda aay welwel weyn gelisay Farmaajo iyo Fahad.

Farmaajo ayaa bilaabay wadatashiyo uu la leeyahay saaxibadiis taasoo uu ku wargelinaayo in uu isaga bixi doono dalka. RW Rooble ayaa lagu wadaa in uu dhawaan isugu yeero Golaha Wasiirada iyo saraakiisha amniga si loo adkeeyo amniga dalka aay doorasho uga dhacdo marka uu Farmaamo ku dhawaaqo in uu dalka ka baxayo.