(Deg Deg) Farmaajo oo dalbaday in ciidanka Uganda laga saaro Villa Somalia

Reading Time: < 1 minute

MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya ka dalbaday taliska AMISOM in laga saaro ciidanka Uganda Madaxtooyada laguna bedelo boqol ka mid ah ciidanka Itoobiya ee Baydhaba jooga.

Falkan aya waxaa uu ka dhaliyay muran badan taliska AMISOM dhexdeeda, waxaana ciidanka Uganda ay sheegeen in aanay ka baxayn Madaxtooyada iyo Muqdisho. MW Farmaajo oo hore ballan uga soo qaaday madaxweynaha Uganda Yuweri Musefine safar uu dhamaadkii bishii hore ku tagay magaalada Kampala.

Musafeni aya u sheegay MW Farmaajo haddii ay ciidanka Itoobiya yimaadaan shabeellaha hoose iyo Muqdisho ay ciidanka Uganda gacmaha iskula tegi doonaan masuuliyadda dhibka ka yimaadana uu isaga qaadan doono.

RW Itoobiya oo lagu waday in uu la yimaado maanta Kaligii taliska Asmara aya ka baaqsaday kadib markii uu Farmaajo ka caga jiiday in laga saaro ciidanka Uganda Madaxtooyada JFS.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!