(Deg Deg) Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay dal aanu xiriir dibloomasi kala dhexeyn

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday goor dhow inay xiriirka u jartay dalka Jamhuuriyadda Guinea kadib marti-qaadkii uu dalkaas u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya iyo Dalka xiriirka loo jaray ayaanan hore u lahayn xiriir dibloomasi oo ka dhexeeya labada dal, mana jirto jaaliyad Soomaaliyeed oo degan dalkaas sida ay MOL u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulankii golaha wasiirada.

Cawad ayaa Guinea ku eedeeyey inay ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya kadib markii sida madaxweyne dal oo kale ay usoo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Cawad ayaa sidoo kale dalalka kale uga digay inay ku xadgudbnaan qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in hadda kadib Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dalalka ku xadgudba qarannimada Soomaaliya ee mas’uuliyiinta gobollo ka tirsan Soomaaliya ula dhaqma sida hogaamiyeyaal dalal oo kale.