[Deg Deg] Dowladda Federaalka oo xaraashtay 7 ka mid ah ceelasha Shidaalka Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”), oo ah shirkad saliidda iyo gaasta ee diiradda saarta Bariga Afrika, ayaa ku dhawaaqday inay saxeexday toddoba Heshiis Wax-soo-saar Wadaag (“PSAs”) oo daboolaya xeebaha, baloogyada gunta hoose ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

W. Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta ayaa sheegay  “Soomaaliya waxay ka kooban tahay barkadaha haray ee ugu badan ee aan la sahamin ee ku yaal biyaha kulul ee adduunka, sharaf iyo farxad ayaa noo tahay inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka.

Dowladda Soomaaliya oo aan xilliga haysan wax sharciyad Dastuur ah iyo Baarlabaan ayaa heshiis sharci darro ah la gashay shirkadda Coastline Exploration LTD, taasoo ka dhigeysa in Dowladda lasoo dooran doona bilaha soo socda aay ka bixi karto heshiiskaan maadaama muddo xileedka Dastuuriga ah ee DF uu dhammaaday.

Mucaaradka JFS ayaanan weli ka soo saarin wax war ah heshiiska Dowladda Federaalka ku xaraashtay kheyraadka Batroolka Soomaaliya.

Halka Hoose ka akhriso warqad ka soo baxday Wasiirka Batroolka