[DEG DEG] Dowladda Federaalka oo sheegtay in la dilay Ikran Tahliil oo muddo la weysanaa

Reading Time: 2 minutes

Raadiyaha iyo Telefishinka ku hadla afka Dowladda ayaa lagu sheegay in Ikraan Tahliil Faarax oo la weysanaa muddo ka badan laba bilood in aay u gacan gashay kooxda Shabab isla markaana aay sheegeen in aay dileen.

Dowladda ma sheegin halka uu ku danbeeyay meydka Ikraan Tahliil. Waxaa la rumeysan yahay in Ikraan aay dileen Fahad Yasin iyo Kullane Jiis iyadoo la sheegay in aay haysay xogo badan oo khatar ku ah labadaas shaqsi ee masuulka uu uga dhigay Hay’adda Sirdoonka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadalka lagu qoray bogga Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayaa u qornaa sida hoose

“Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyoNabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.

HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!