Deg Deg: Dowlada Soomaaliya oo ku amartay in Nicholas Haysom dalka ka baxo

Reading Time: < 1 minute

Qoraalka hoos ku qoran ayaa ka soo baxay wasaaradda Arimada Dibadda ee Soomaaliya:

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah ee ku salaysan xiriirka cilaaqaadka diblomaasiyadda caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane: Nicholas Haysom.

Go’aankani waxa uu salka ku hayaa ka dib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya, si bareer ahna u fara geliyey madaxbanaanida dalka”

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/01/PDF-COPY-MFA-PR.pdf” title=”PDF COPY MFA PR”]

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!