DEG-DEG: Dowlada Kenya oo magacaawday Safiir qaban-qaabiya furida safaaradda ay ku yeelan doonto Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Kenya ayaa magacaawday  Safiirka Githiora Philip Mundia in uu noqda wakiilka dalka Kenya u fadhiya dalka goonida isku taagay ee la magac baxay Somaliland.

Amb. Githiora Philip Mundia oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibabada ee dalka Kenya ayaa waxaa uu ahaa ku xigaha Safiirka dalka Kenya u fadhiya dalka Raashiya. Waxa uu madax ka soo naqday xarunta Kenya ku leedahay Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxa uu horay u ahaa xiriiriyaha xarunta la dagaalanka argagaxisa, waxa uu tiir dhaxaad uu ahaa dajirinta geedi socodka Siyaasadda Armaha dibadda ee dalka Kenya.

Githiora Philip Mundia ayaa loo xilsaaray in uu saldhig ka sameeyso Somaliand. Waxaa uuna hordhac u sii noqon doonaa safaarad ay Kenya ka furan doonto dalka Somaliand. Waa markii ugu horeeysay oo ay dowlada Kenya qaado talaabo noocaan ah. Talabadaan ayaa waxa u sahleysaa dowlada Kenya in  si aan dhib lahayn u aqoonsato Somaliland.

Madaxa mucaradka Kenya Raila Odinga ayaa in mudo ah ku guubaabinayay madaxweyne Uhuru in uu aqoonsado dowlada Soomaaliland.