(Deg Deg) Dagaalkii Dhuuso Mareeb oo dib u qarxay iyo hub culculus oo la isku adeegsanayo

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo caawa fiidkii uu istaagay dagaal u dhexeeyay ASWJ iyo Ciidanka Dowladda ayaa abaarihii 11:45 waxaa mar kale dib u bilowday dagaal ka culus kii hore iyadoo labada dhinac ay soo gaareen gurmad ciidan.

Waxaa la isku adeegsanayaa hub culculus waxaana dadka deegaanka oo la hadlay MOL ay noo sheegeen in qasaaraha uu ka badnaan doono kuu xalay iyo maanta.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga waxaa ku dhaawaqcmay dagaalka caawa Taliyihihii Ciidanka Haramcad Farxaan Maxamuud Qaroole iyo in ka badan 15 ka tirsan ciidanka dowladda.

Xaaladda magaalada Dhuusomareeb ayaa laga dareemayay degenaan gelinkii danbe ee maanta kadib dagaal socday in ka badan 9 saac oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Si kastaba rasaas iyo dhawaqa hub culus ayaa laga maqlayaa guud ahaan degmada Dhuusamareeb.

Dagaalkii maanta ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, ayada oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

Ciidamada dowladda ee ku dhaawacmay dagaalkii maanta ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitalka Digfeer.