MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
103 days
10 hours
03 minutes
20 seconds
Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
103 days
10 hours
03 minutes
20 seconds

Ciidamada HaramCad oo uu horjooge u yahay Farxaan Qaroole oo aay qaraabo yihiin MW Qoor Qoor oo kaashanaya kuwa Jabuuti ayaa howlgal ammaanka lagu xaqiijinayo ka billaabay duleedka Dhuusamareeb oo aay isku aruursanayaan ciidamadii Ahlu Sunna & kuwa beesha Ceyr oo diidan in aay wareejiyaan hubkii Ahlu Sunna.

Waxaa hoggaaminaya howlgalkan taliyaha Ciidanka Haramcad iyo taliyaha Ciidanka Jabuuti ee jooga Galmudug. Ciidamada wadajirka ah ayaa la sheegay in ay sugayaan amniga islamarkaana la dagaal geli doonaan kooxaha dhibka geysta.

Waxaa laga dareemayaa magaalada Dhuusomareeb saan saan dagaal, waxaana si xowli ah ku socda qaban qaabo dagaal sokeeye, sida uu sheegay Axmed Rooble oo ka mid ah odayaasha degaanka.

Hoggaamiyaha Galmudug Qoor Qoor ayaa wacad ku maray in uu soo afjari doono kooxaha fallaagada ah isagoo ula jeeda beesha Ceyr mar uu shalay tababar u soo xiraayay ciidan la keenay magaalada Cadaado oo aay isku hayb yihiin Qoor Qoor.