Waxaa dagaal weyn uu ka dhex qarxay ciidamo milatari ah oo taageersan Gud. gobolka Hiiraan Dabageed iyo ciidamada NISA oo amar ka haysta T/X NISA Fahad Yasin sida ay u xaqiijiyeen MOL ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Dagaal ayaa waxaa uu weli ka socda duleedka magaalada Beledweyne iyadoo ay jirto khasaare soo gaaray labada dhinac. Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda magaalada Beledweyne ayaa isku dayaya in aay joojiyaan dagaalka.
Sida ay ila wareedyada u xaqiijiyeen MOL, waxaa madaxda sare ee dowladda federaalka ah ay gacansiinayaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee uu dhawaantan xilka ka qaaday MW Hirshabeelle.
Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.