Deg Deg: Ciidankii Kheyre u diray Cadaado oo hadda hawada laga soo celiyay

Reading Time: < 1 minute

Ciidan subaxii hore ee saakay laga soo qaaday magaalada a Muqadishu kuwaas oo la doonayay in laga dajiyo magaalada Cadaado ka dib markii loo diiday in ay ka dagaan Guriceel iyo dhuusmareeb ayaa hawada laga soo celiyay daqiiqado ka hor.

Mas’uuliyiinta Degmada Cadaado ayaa didiay in loo ogolaado Ciidankii Kheyre in ay ka dagaan magaalada Cadaado.

Xasan Kheyre ayaa doonayay in uu ciidankaas ku qabsado magaalada Dhuusamareeb isla markaana uu ku soo xiro mas’uuliyiinta Al Sunna Wajameeca.

ciidanka ayaa hadda lagu soo celiyay garoonka Adan cade lama oga talaabada Xigta ee  uu qaadi doono xasan kheyre.

Xalay ayaa MOL idin soo gudbisay in xasan kheyre qorsheynayo in ciidan u diro doono Dhuusamareeb si uu halkaas ugu qabsado.