Hogaanka Al Sunna Wajameeca ayaa caawa amar deg deg ah dul dhigtay ciidamada lagu sheegay in ahaayeen isku dhafka oo dhawaan loo dhiibay ilaalinta garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
Al Sunna ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku eedeysay Xasan Kheyre in uu ka baxay Heshiiskii uu la galay al Sunna ila markaana uu sameeyay xadgudubyo.
Xasan kheyre oo caawa qadka taleefanka kula hadlay hogaanka kooxda Al Sunna ayaa codsday in laga warsugo ilaa berito oo aan ciidanka laga soo Saarin garoonka diyaaraddaha Dhuusamareeb.
Wali ma cada in Al Sunna ay fursad kale siin doonto Kheyre iyo in ciidanka kheyre berito xoog looga saari garoonka magaalada Dhuusamareeb.