(Deg Deg) Ciidanka XDS ee Gobolka Shabeellaha hoose oo kasoo baxaya magaalada Baraawe raashin la’aan (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada XDS guutada lixaa (6) ururka koowaad ee gacanta ku haya magaalada Baraawe shan sano iyo bar ayaa maanta ku goodiyay in aay ka bixi doonaan magaalada Baraawe haddii aanay dowladda sida ugu dhaqsaha badan aanay u siin xuquuqdooda gaar ahaan raashinka oo laga goostay.

Ciidanka ayaa sheegay in aay u dulqaadan karaan in lacag ka maqan, balse in raashinka laga goosto waa mid aanay u dulqaadin karin. “Dowladda waana tira koobtay afar bilood ka hor, mana ogolaan karno in mushaarka nalaga goosto raashinkiina nalaga goosto”

RW Kheyre aya qandaraas ku siiyay bixinta raashinka CXDS laba nin oo ay isku heyb yihiin isla markaana uu ka dhexeeyo ganacsi, Ismaaciil Gooni iyo Cabdi Calie, waxaa sidoo kale qandaraas uu ku siiyay bixinta raashinka Booliska iyo Nabad Sugidda Cabdikariin Maxamed Siyaad Gaanbe oo sidoo kale aay ilmo adeer koowaad yihiin RW Kheyre ahna milkiilaha Hotel Jazeera ee ku yaal agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

RW Kheyre ayaa ku tilmaamay ciidanka XDS ee ka howlgala labada shabeelle in aay yihiin ciidan beeleed aan xuquuq ku lahayn dowladda.

Ciidanka aya ku goodiyay haddii aanan xuquuqdooda lala soo gaarin 24 saac guduhood in tallaabo qaadi doonaan.