Maxamed Ibraahim Cismaan ayeey gacanta ku dhigeen ciidanka Booliiska degmada Cadaado habeenkii xalay ahaa abaarihii 12:43 daqiiqo sida uu sheegay taliyaha Booliska Degamada Cadaado.
Maxamed Ibraahim Cismaan ayaa loo heystaa kiiska kufsiga iyo dilka Xamdi Maxamed Faarah oo bishab 9keedi laga soo tuuray dabaq hotel ku yaal magaalada Muqdishom iyadoo loo geystay kufsi wadareed.
Maxamed Ibraahim Cismaan ayaa markii laga qorayay galka dambiga sheegay “Xamdi Aniga ayaa geeyey oo ku ballansaday Hotelka, Waxa ayna ahayd Gacalisadeyda Musqusha ayaana ku galay kabaheeda kaddibna waan waayay iyada ayaana dabaqa iska tuurtay balse ma jirin wax kufsi ah oo loo geystay” Waa sida uu hadalka u dhigay eedeysanaha.
Wuxuu intaas ku daray “Waxaan u tagay ninkii hotelka maamulayay oo aan u sheegay in uu ila raadiyo Xamdi, kaddibna markii aan raadis badan u galnay ayuu igu dhahay meeshaan yaana lagugu diline iska baxso sidaas ayaana kusoo baxsaday”.
Maxamed Ibraahim ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho halkaasoo lagu maxkamadeyn doono lana marsiin doono waxa uu sharciga ka qabo falka kufsiga iyo dilka marka ay maxkamadda ku caddeeyso eedeeymaha loo soo jeediyay