Iyadoo shalay si xoog ah lagusoo waday Musharax madaxweyne Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali ayaa waxaa hada baydhabo ka soconaayo dagaal xoogan iyo rabshado.
Ciidamo xoogan oo taabacsan Muqtaar rooboow cali ayaa gaaray Magaalada baydhabo iyagoo ku goodiyay in ay Taangiyada ugu geli doonaan Ciidamada itoobiya iyo kuwa muqdisho laga diray.
Madaxweyne Farmaajo ayeey ugu goodiyeen in aysan aqbali kareeynin gumeeysi dadban islamarkaana ay dagaal ka xigaan waxyaabaha dhacaya.
Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa qaadeeysa qalalaase walbo oo ka dhaco baydhabo sida uu horay u sheegay Senetor Xusseen oo Baydhabo kasoo jeedo.